Villa Somalia Oo Cabsi Xoogan ka Qaaday Ololaha Mooshinka ee Xil ka Qaadista Wasiirka 1-aad..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan u qabsoomi lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kaasoo shalay ku guuldarreystay inuu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno Wasiirka 1-aad Xamza Cabdi Barre…

Xogaha ayaa xaqiijinaaya in Kulankii shalay ay soo xaadireen 137-Xildhibaan, waxaana ka maqnaa labo xubnood tiradii sharciga aheyd ee Kooramka si kulanka uu u qabsoomo, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka ayaa si adag u dhaliilay maqnaanshaha Xildhibaanada, “Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

Hogaanka Villa Somalia & Cabsida Mooshinks..

Hogaanka Faahilmay ee Dowlada Federaalka ayaa la xaqiijiyay inuu Wasiirada & kuxigeenada culeys ku saaray ineysan xaadirin Kulanka Baarlamaanka, kadib markii ay dob u soo laba kacleysay xiisadaha Siyaasadeed ee lidiga ku ah Wasiirka 1-aad, Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee Dalka.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka, oo si rasmi ah uu u furay Xasan Sheekh 22-kii Febraayo, waxaa diiradda lagu saari lahaa arrimaha Amniga, Dagaalada lagula jiro kooxaha Argagixisada Shabaabka iyo Daacishta Somalia, iyo sidii Dalka loogu gudbin lahaa nidaamka doorasho qof iyo cod ah, isla loo dhameystiro lahaa cutubyada ka harsan Qabyo Qoraalka Dastuurka, Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamanka ayaa caqabad ku noqday ajendayaasha sharci-dejinta, iyadoo xiisadda u dhaxeysa Xildhibaanada Mucaaradka iyo Dowlada ay sii xumaatay.

362220cookie-checkVilla Somalia Oo Cabsi Xoogan ka Qaaday Ololaha Mooshinka ee Xil ka Qaadista Wasiirka 1-aad..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com