Dhagaxa XAMEETIDA: Sababaha Keena, Dadka Halista U Ah & Sida Looga Hortago..

Somalia news

Xameetida waa xubin ku taala dhinaca midig ee qaybta sare ee Caloosha, waana xubin sida kiishka oo kale u samesay, shaqadeeda ugu weyna ay tahay kaydinta iyo soo daynta dheecaanka Bayl waqti munaasab ah si dheefshiidka loo fududeeyo, Xameetida waxa ku xiran tahay beerka iyo xiidmaha yar yar qaab taxane ah kuwaasoo waddo u ah dheecaanka bayl…

Dhagxaan ayaa ku sameysma xameetida dhexdeeda, ama dhuunta xameetida ka so baxda, Qiyaasta dhagxaantaan ayaa noqon kara mid ciida oo kale ah, mid la mid ah ukunta oo kale, Dhagaxa ku sameysma xameetida ayaa noqon kara hal & kuwa badan, amaba mararka qaar waxaa dhacda iney isugu jiraan dhagaxyo yar yar iyo kuwa weynba, Dhagaxa xameetida ayaa waxaa wehliya xanuun soo bood ah gaar ahaan dhinaca sare ee midigta caloosha, taa oo ay ka dhalatay dhagxaantan oo xiraya marinadii billiary.

Maxaa sababa dhagaxa xameetida

Inkastoo ayna jirin sabab gaar ah oo keenta dhagaxa xameetida inuu sameysmo hadana waxaa la aaminsan yahay in isu dheelitir la’aan ku timaada walxaha dheecaanka bayl uu ka sameysan yahay iney keenan dhagaxa xameetida, Waxaa dhacda in dhagaxa xameetida ay sameysanto hadii dheecaaanka bayl ay ku badan tahay maadooyinka qaar sida kolesteroolka, bilirubin, amaba marka cusbada ay ku yar tahay dheecaanka, Sida aan loo ogayn waxa sababa dhagaxa xameetida sidaa si la mid eh ayay Cilmi baaris-yahanada ayna u fahansanayn waxa sababay isu dheelitir la’aanta ku dhacaysa dheecanka bile.

Labada nooc ee dhagxaanta xameetida ee sameysma waxey kala yihiin kuwa Kolestoroolka iyo kuwa midabka leh, waxaa dhacda in dheecaanka bayl iney ku adkaadaan xameetida gudaheeda taasoo keenta dhagaxa xameetida ku sameysma, 80% ee dhagaxa xameetida waxey ka sameysan yihiin kolesterool, halka 20% ay ka sameysan yihiin cusbada Kalshiyamka iyo maada bilirubinka, kuwani waxaa looyaqaanaa dhagxaanta midabka.

  • Dhagaxyada kolesteroolka midabka ay leyihiin  badanaa waa jaalle –cagaar midabkooda , kuwaas oo ay ka sameysmeen dhagxaan kolesterool ah.
  • Dhagxaanta midabka  kaduwan waxa ay ka sameysan yihiin maadada bilurbinka ah midabkooda waa mugdi  oo aan saa u muuqan.

Bukaanada halis ugu jiro?

Inkastoo uu jirkaaga soo saaro kolestarool si dabiici ah, waxaa qaadan kartaa Kolestarool kaa badan cunto ahaan, Dhagaxa xameetida waxey ku badan tahay in ay ka imaadaan cunooyinka la cuno waxa ay ka kooban yihiin. Dadka halista ugu jiro dhagaxa xameetida waxaa ka mid ah

  • Dadka miisaankooda culus yahay
  • Dadka cuna cunooyinka ay ku badantahay kolestaroolka
  • Dadka qaba xanuunka sonkorowga nooca 2 aad
  • Dumarka
  • Waqtiga uurka
  • Dadka da’da ah gaar ahaan kuwa 60ka iyo kor usii dhaafaya
  • Dadka qoyskeeda qaba amaba laga helay dhagaxa xameetida
  • Dadka isticmaalaya dawooyinka hoos u dhiga kolesteroolka.

Waa maxay astaamaha?

Waxaa laga yaabaa oo badanaa dhacdo in qofka ayna kasoo muuqan wax astaan ah, xanuunka ayaa ladareemaa marka uu dhagaxa xameetida xiro marinada. Dhaqtarkaaga marka aad soo booqato ayaa laga yaabaa in uu ka arko raajada dhagaxa ama waqti qaliinka caloosha laguugu sameynayo.

Mararka qaar ayaa astaamaha laga yaaba in ay kasoo muuqdaan dadka qaar. Astaamaha soo muuqan kara waxaa ka mid ah:-

  • Qandho
  • Xanuun lama filaan ah oo soo booda ah oo sii xoogeysanaya midigta sare ee caloosha
  • Cagaarshoow
  • Lalabo ama matag
  • Saxaro sida dhoobado oo kale ah
  • Indhaha ama maqaarka oo midabka jaale kasoo muuqda sida cudurka joondiska

Sidee looga hortagi karaa dhagaxa xameetida:

Xanuunka dhagaxa xameetida waa mid la maarayn karo oo dhibaatada ku imaan karta qaab nololeedka la xakamayn karo, waxaa adag in laga hortago dhagaxaan sameysmaya, Sida ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo amaba hoos loogu dhigi karo in dhagaxaan uu ku sameymo xameetida waxaa ka mid ah

  • Cun cuno dheelitiran oo haka boodin waqtigooda
  • Cab biyo kugu filan adigoo ku dadaalaya inaad qaadato xadi kugu filan
  • Miisaankaaga oo halmar hoos loo rida waxa ay tahay wax yaabaha aad u saacida in dhagaxaan uu samaysmo
303890cookie-checkDhagaxa XAMEETIDA: Sababaha Keena, Dadka Halista U Ah & Sida Looga Hortago..