Xiisad Colaad Beeleed ka Aloosan Degaanada Miyiga ee Bariga Gobolka Mudug..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad Colaad Beeleed oo ka aloosan Tuulada Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Degaanka Buq-Qalooc oo u dhaw Degaanka Towfiiq ee Bariga gobolka Mudug, kadib markii ay halkaasi ka dhacay dagaal beeleed hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday..

Wararka ayaa sheegaya in Dirirtaani ay u dhaxeyso laba beelood oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug gaar ahaanna degaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac sida laga soo xigtay Dadka Degaanka.

Xuuraanada ayaa xaqiijinayaa in ugu yaraan 10-Qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhinteen dagaalka halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-Qof oo kale waxaana weli taagan xiisadda dagaalkaasi oo marar kala duwan soo noq noqday islamarkaana aan weli xal dhammaystiran laga gaarin.

363000cookie-checkXiisad Colaad Beeleed ka Aloosan Degaanada Miyiga ee Bariga Gobolka Mudug..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *