Maamulka Farmaajo Oo Xaraashaya Xirmooyin Shidaal

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa laga helayaa Maamulka Fashilmay ee Farmaajo oo xiligaan ka talisa Villa Somalia oo muddo xileedkeedu uu dhamaadka yahay ayaa dooneysaa iney ka faa’iideysato xiliga kooban ee ugu harsan, iyadoo dalku isu diyaarinayo doorashooyin….

Waxeyna Magaalada Istanbul Ee Turkiga u direen Wafdi uu hormuud u yahay Wasiirka Macdanta iyo Bartoolka, Mr.Cabdirashiid Axmed, waxaana ka mid Agaasimaha Guud Mr.Carabey iyo Maamulka Hey’adda Batroolka Mr.Ibrahim Xuseen, iyagoo halkaasi u joogaan saxiixida heshiisyo cusub oo lagu iibinayo xirmooyin ka tirsan shidaalka Somalia.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintaan ay dalka Turkiga u joogaan iney heshiisyo qarsoodi ah la saxiixdaan shirkad Liberty Petroleum State of Arizona Company oo ka diiwaan gashan dalka Maraykanka.

Heshiiskaan ayaa la filayaa in shirkada loogu saxiixo xirmooyin ka tirsan shidaalka Somalia, iyadoo taas bedelkeed ay Maamulka Farmaajo helayaan malaayiin Dollar, waxayna wararku sheegayaan in heshiiskan uu wax ka og yahay Mr.Farmaajo bacdamaa uu qarabadiisa u diraasaday, isagoo xiligaan si weyn ugu baahan dhaqaale, maadaama ay ku soo wajahan tahay doorasho iyo loolan siyaasadeed oo adag.

Heshiiska ay Wasaaraddu dooneyso inay saxiixdo ayaa waxay ku heleysaa dowlada Somalia dhaqaale kor u dhaafaya malaayiin US$ ah halkii Xirmo, waxayna wararku sheegayaan in xirmooyinka shidaal ee shirkadan la siinayo laga dhacay shirkadda Soma Oil.

76540cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Xaraashaya Xirmooyin Shidaal