Hey’ad Caalami Ah Oo Ka Digtay Hubka Loo Iib Geeyo Somalia

Somalia news

Barnaamijka caalamiga ah ee Dembiyada abaabulan, ayaa sheegay inay heleen cadaymo la rumeysan karo oo tilmaamaya in Iran ay hub ku taageerto mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Dalka Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha laga yaabo inay hubka ka ganacsadaan dhanka geeska Afrika gaar ahaan Somalia….

Baarayaasha ilaalada waxay la xiriireen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa.

Ilo wareedyo ayaa soo saaray liis ay ka mid yihiin noocyada qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca (PKM), bambo gacmeed iyo rasaas noocyo kala duwan leh, in loo iib geeyo Somalia, balse lama sheegin cidda laga iibiyay.

“Tani waxay muujineysaa jiritaanka shabakado tahriibiya hubka sharci darrada ah ee yimaada Iran ee loogu talagalay Yemen inay ku sii jeedaan gudaha Somalia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Somalia waxey ku hoos jirtaa cunaqabateyn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 1992, hase ahaatee tan iyo waqtigaas, si qarsoodi ah aya hubka loosoo galin jiray Dalka.

55630cookie-checkHey’ad Caalami Ah Oo Ka Digtay Hubka Loo Iib Geeyo Somalia