Dilal Qorsheysan ee Ka Dhaca Magaalada Gaalkacyo oo dib u soo Noqday

Somalia news

Inkastoo ay Hey’adaha Amaanka magaalada Gaalkacyo ay muddo gaaban ku noqtay dib u soo laabashada abaabulka kooxaha dilalka ka fuliya gudaha magaalada, kadib markii muddo is abaabul wadeen kooxaha Argagixisada kuwaasoo guud ahaan laga tirtiray Gobolka Mudug…

Wararka ayaa sheegay in shalay Waaberigii lagu dilay Marxuum Cabdullaahi Khaliif Maxamed oo ahaa Khasnajiga Wasaarada Maaliyada ee Maamulka Puntland, Marxuumka ayaa la dilay xili uu ka soo baxay Gudashada Salaada Subax ee Masaajidka Faaruq, iyadoo Dableyda ay sidoo kale Dhaawaceen Nin kale oo xiligaasi Masaajidka ka soo baxay.

Dib u soo laabashada Dilalka ayaa la sheegay iney sabab u tahay Laamaha Amaanka oo gaabis ku yimid Howlahooda & Maamulka Dani oo lagu eedewyay in Hey’adihii Amaanka u isticmaalayaan Siyaasada iyo Diiwaangelinta Doorashada ee lagu muransan tahay, habacsanaantaasi oo ay ka Faa’iideysteen Kooxaha Argagixisada.

241940cookie-checkDilal Qorsheysan ee Ka Dhaca Magaalada Gaalkacyo oo dib u soo Noqday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com