Xildhibaan Mucaarad ku ah Hogaanka Villa Somalia oo Laga Eryay Baarlamaanka..

Politics Somalia news

Qoraal ku Taariikheysan 15-3-2025, uuna soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mr.Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) dhana ka ah Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka, kaasoo dhaliilo joogto ah u jeedin jiray Hogaanka Villa Somalia & Dowladda Federaalka.

Xildhibaankaan oo ka soo Jeeda Gobolka Awdal ayaa marar badan ku eedeeyay Eedeymo u badan Dhaqaale lunsadho iyo eedo kale Hogaanka Villa Somalia iyo Wasaarada Maaliyada, isla qoraalo u diray Wakiilada Beesha Caalamka ee Fadhihoodu yahay Magaalada Nairobi ayaa laga eryay Fadhiyada Baarlamaanka kadib markii uu ka gaabiyay inuu soo xaadiro gunnada ku qaadanaayay Dalka Kenya.

Go’aankaan ayaa lagu saleeyay Qoraalka hoosta ku xusan oo ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaan Abiib uu lumiyay Xubinimidiisii Golaha Baarlamaanka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay fadhiyada Baarlamaanka Somalia, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”.

363980cookie-checkXildhibaan Mucaarad ku ah Hogaanka Villa Somalia oo Laga Eryay Baarlamaanka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *