Ciidamo Dowladda Federaalka Oo Wadada Loo Galay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Weerar dhabo gal ah oo lagu qaaday Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaasoo ku sii jeeday gurmad ahaan Ciidamo kale ah oo ku sugnaa degaanka Warmaxan Ee Degmada Wanlaweyn….

Wararka Ayaa sheegay in ugu yaraan 10-Ciidamada Dowladda lagu dilay Weerar kaasi kaasoo ka dhacay degaanka Bululow ee duleedka Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kadib markii gaadiid ay wateen wadada loo galay.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan la gubay gaadiidkii ay wateen ciidamadaasi iyagoo saaran, waxaana saraakiisha lagu dilay weerarkaas ka mid ahaa Taliyihii ururka 54-aad, guutada 7-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabdulle Cali Mire iyo sarkaal kale.

Kooxda Shababka oo war  ay soo saartay dhacdadaan ayaa ku sheegtay in weerarkaas ay ka dambeeyeen kuna dileen 25 askar iyo saraakiil isugu jiray, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo sheegashadaas xaqiijinaya ama beeninaya, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa goobihii lagu dagaalamay caawa ee duleedka degmada Afgooye.

66370cookie-checkCiidamo Dowladda Federaalka Oo Wadada Loo Galay