Haweeney 7-Sano Afduub loogu Heystay Somalia Oo Muuqaal laga soo Duubay.

Security Somalia news

Sonja Nientiet oo ahayd kalkaaliso u dhalatay Jarmalka, kana shaqeynaysay hay’adda ICRC, xarunteeda Muqdisho oo aan geeri iyo nolol midna lagu haynin ayaa xalay muuqaalkeeda lagu baahiyay bar Youtube ah oo shalay lagu furay magaca Liiban Osman, balse aan la xaqiijin karin inuu magaciisa dhabta ah yahay…

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Askari ilaalo u ah Hey’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah magaciisana lagu sheega Mohamud Mohamed Alas ayaa ku lug lahaa Afduubkii Muqdisho loogu geystay Kalkaaliso Caafimaad oo Jarmal ah oo u shaqeysa Hay’adda, Haweeneydaan Xiligii Maamulkii Farmaajo (2-dii May-2018-kii) la Afduubtay ayaa lagu guuldareystay in la soo badbaadiyo.

Muuqaalkaasi ayeey Haweeneydaani kaga codsatay Dowladda Jarmalka iney dadaal u galaan sidii ay xorriyadeeda dib ugu heli lahayd, iyadoo sheegtay iney nafteeda ku jirto khatar haddii aan laga soo daynin dadka haysta, Haweeneydan ayaa 2dii May 2018 lagu afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana waayadii dambe walaac laga qabay inay nooshahay iyo in kale.

365520cookie-checkHaweeney 7-Sano Afduub loogu Heystay Somalia Oo Muuqaal laga soo Duubay.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *