Diyaarad Lagu Arkay Degaan Ka Tirsan Gobolka Bay

Somalia news

Wararka naga soo gaaray degaanka Misiri oo ka tirsan Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Dadka degaanka ay arkeen Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca ah oo dul heehaabeysa degaano ay gacanta ku Hayaan Kooxda argagixisada Shababka…

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Mil Mi18 ee lagu farsameeyo Dalka Russia ayaa la sheegay iney xamuul siday, Diyaaradaan ayaa la sheegay iney ku howlgalaan Ciidamada USA iyo kuw Amisom, waxeyna Sida shixnad sida ka muuqata sawirka laga qaaday, lama yaqaano sababta ay degaankaasi ku tagtay Diyaaradda.

Degmada Buur hakaba iyo buuraha ku xeeran ayaa la sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Shirkadda Blackwater ay Macdan sharci darro ah ka gurtaan, ilaa hadda lama yaqaano sababta ay diyaaradaasi ku tagtay degaanka kor ku xusan.

138760cookie-checkDiyaarad Lagu Arkay Degaan Ka Tirsan Gobolka Bay