Is-Rasaaseyn Ka Dhacay Xalay Magaalada Garoowe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay Is-rasaaseyn ilaa 10 daqiiqo socotay oo xalay ku dhexmartay magaalada Garoowe Ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo ciidammo Boliis ah, gaar ahaan ciidanka ilaalada nabadgelyada waddooyinka…

Wararka ayaa sheegay in Israsaaseyntan oo sababtay dhaawaca labo askari oo kamid ah Boliiska Puntland, kuwaasoo xaaladooda lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe, sida saraakiil kamid ah Hay’adaha Amniga Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacaan dhexmaray ciidammada ilaalada Madaxweyne kuxigeenka iyo Booliska Puntland, uu yimid kaddib markii ciidammada Taraafikada ay ka xareeyeen Askar kamid ilaalada Madaxweyne kuxigeenka gaari ay wateen, taas oo keentay muran isku badalay markii dambe gacan ka hadal.

Sarkaal kamid ah Hay’adaha Amniga Puntland ayaa inoo sheegay in kiiskan loo xiray afar askari oo kamid ah ciidanka ilaalada Madaxweyne kuxigeenka, kuwaasoo uu ku socdo baaritaan, ayna gadaal kasoo sheegi doonaan wixii kasoo baxa.

149780cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacay Xalay Magaalada Garoowe