Dagaal Ka Dhacay Degaanka Abuureey ee Gobolka Hiiraan..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal la isku adeegsaday nooca Hubka fudud iyo kuwa culus ayaa saakay markale dib uga qarxay Degaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya kuwa Degaanka oo dhinac iyo Maleeshiyaadka kooxda shabaabka..

Wararka hordhaca sh ayaa sheegaya dagaalkw ayaa bilaawday kadib markii cCidamada Dowlada ay weerar culus ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan Argagixsada Shabaabka oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay Degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare.

Ku darsoo waxaa ku socda Kooxda Argagixsada howlgal saf ballaaran iyadoo lagu hayo weerarro joogto ah waxaana howlgalladii ugu dambeeyey ay ka socdaan  nawaaxiga degmada Runirgood, Degaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan iyo deegano dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Kooxda Argagixisada ayaa oo mudooyinkii dambe awoodoodii isugu geeyay weerarada ay ka geysanayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa haatan u muuqda kuwa usoo wareegay gobolka Hiiraan, kadib markii ciidankii Macawiisleeyda gobolka Hiiraan loo daabulay gobolka Shabeellaha Dhexe si ay uga xoreeyaan kooxda.

367150cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degaanka Abuureey ee Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *