Xiisado Colaadeed Oo ka Taagan Degaanada Oog iyo Gumeys…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya xadka kala qeybiya Gobolada Togdheer iyo Sool ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay ka taagan yihiin, kadib markii Madaxa Maamulka Hargeysa uu qorsheystay inuu kormeer ku tago Jiida ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka beeleysan ee degaankaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Safarka Muuse Biixi ay ku wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan oo Degaanada uu tagayo kasoo jeedo, si gaar ah waxa uu Muuse Biixi tagi doonaa saldhiggan degaanka Oog, iyadoo Jimcihii hore ay aheyd markii Xoogaga Hubeysan ee Somaliland laga saaray 4-5 fariisin ay ku lahaayeen Gobolka Sool.

Dhanka kalena, SSC/Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa iney adkeeyeen difaacyadooda isla mar ahaantaasina ay heegan galiyeen Xoogagooda ku sugan Drgaanka Gumeys, waxaana jirta cabsi ah inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah degaanadaasi.

275060cookie-checkXiisado Colaadeed Oo ka Taagan Degaanada Oog iyo Gumeys…