Midowga Europe Oo Deeq Maaliyadeed ugu Deeqay Xoogaga ATMIS & Ciidamada Somalia

Somalia news

Midowga Europe ayaa gi’aamiyay in gargar maaliyadeed oo dhan 116,6 US$ uu ku taageero dadaalada xasilinta amaanka Dalka Somalia, isla markaasna lagula dagaalamaayo kooxaha argagixisada oo sanooyinkii ugu dambeeyay caqabad ku ahaa nolosha iyo horumatka Shacbiga Soomaaliyeed…

Wararka ayaa sheegay in Kaalmadaan loogu talo galay Taliska Ciidamada ATMIS ee sanadkaan 2023-da iyo Ciidamada Xooga Dalka, iyadoo 23-Millions US$ loo qondeeyay Taliska Ciidamada Xoogga si loo hormariyo gudasha xilkooda ka saaran amaanka Dalka, Deeqdaan ayaa ku hagaagtay xilli uu gaabis ku yimid wajiga 2aad ee Dagaalada looga soo horjeeda kooxda argagixisada Shababka.

Takiska ATMIS ayaa qorshuhu yahay iney dardar geliyaan sare u qaadida waajibaadka iyo mas’uuliyidda ka saaran xoojinta iyo wareejinta Amaanka ee sanadka soo socda, hase yeeshee looga fadhiyo iney ka qeyb qaataan Qorshaha duulaanka ee wajiga 2-aad ee loogasideynaayo degaanada garsan ee ay heystaan kooxaha argagixisada Shababka.

245140cookie-checkMidowga Europe Oo Deeq Maaliyadeed ugu Deeqay Xoogaga ATMIS & Ciidamada Somalia