Golaha Amaanka Oo Dood ka Yeelanaaya Kala Qeybsanaanta Siyaasada & Saameynta Argagixisada ee Somalia..

Africa News Security Somalia news World

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu bishaan aynu ku jirno ee April iskugu yimaadaan kulan gaar ah si uu uga doodo xaaladda Murugsan ee kala qeybsanaanta Siyaasada iyo Saameynta kooxaha Argagixisada ee Somalia, taasoo dhibaato xoogan ku ah howlaha Dowlada dhiska Dalka…

Waxaana la filayaa inuu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa Hawlgalka KMG ah ee UN-ka (UNTMIS), Mr.James Swan uu warbixin faahfaahsan ka siiyo Golaha, Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa sidoo kale laga sugayaa inuu Golaha siiyo warbixin ku saabsan hirgelinta hawlgalka taageerada iyo xasilinta AUSSOM, dhaqdhaqaan ayaa ku soo beegmaaya iyadoo uu Ciidamada Dalku Dagaal adag kula jiraan kooxaha Argagixisada.

Golaha Amaanka ayaa weli isku raacsan taageeridda mudnaanta Dowladda Federaalka, sida dib-u-eegista Dastuurka iyo hanaanka Doorashooyinka, Balse walaac ayaa ka taagan xiisadaha u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo diidan iney Nidaamka Federaalka lagu baahiyo Degaanadaasi.

Kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo khilaafaadka qabiilka ee sii xoogeysanaya ayaa loo arkaa inay fursad u noqdeen kooxaha Argagixisada ee Daacishta iyo Shabaabka si ay u ballaariyaan saameyntooda, Golaha ayaa la filayaa inuu xoojiyo dadaallada lagu mideynayo Hogaanka dalka, lana helo maalgelin sugan oo lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Somalia.

367360cookie-checkGolaha Amaanka Oo Dood ka Yeelanaaya Kala Qeybsanaanta Siyaasada & Saameynta Argagixisada ee Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *