Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Dib u Furmaaya Kadib Fashilkii Qorshihii Villa Somalia..

Somalia news

Fariin Qoraaleed loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa muujinaaya in laga gudbay soo jeedintii hore ee aheyd in Golaha Wasiirada looga yeero kaliya Golaha Wasiirada, taasoo xadgudub ku ah habraaca Baarlamaanka, iyadoo Nuqulka Fariinta ay muujineyso in Villa Somalia ay hakisay Damaceedii Heshiiska Golaha wadatashiga…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mudanayaasha Baarlamaanka oo helay ajande cusub, taasoo guul u ah Xildhibaanada Federaalka ee diiday in Gudoomiyaha uu dabada ka riixo qorshaha Villa Somalia ee ah inaan loo yeerin Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, Garabyada Baarlamaanka ayaa u midoobey sidii ay uga soo horjeesteen Guddigii la isku mari la’aa ee loo saaray iney qiimeeyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu ansixiyay muddo kororsi muran badan dhaliyay oo loo sameeyay Madaxweynaha, Labada Gole iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

265600cookie-checkKulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Dib u Furmaaya Kadib Fashilkii Qorshihii Villa Somalia..