Sacuudiga UAE Oo Hanjabaado Adag Uga Timid Dalka Mareykanka

World

Dagaalka Ukraine ayaa la sheegay inuu sii kala fogeeynaayo Dalal Saaxiibo dhow ahaa kuwaasoo kala ah Sacuudiga, UAE oo dhinac ah iyi Mareykanka, kadib markiu ay dhowaan heshiis hordhac ah la gaareen Dalka Russia in la dhimo Shidaalka wax soo saarka Shidaalka ilaa 2-Millions oo Fuusto maalintii, talaabadaan ayaa aad waxaa uga carooday Dowlada Mareykanka…

Qaar ka mid Sharci dejiyayaasha USA ayaa kula taliyay Maamulka Biden in laga fiirsado dhamaan Nidaamka Iskaashiga Ciidamada ee USA iyo Labada Dal, waxeyna diyaariyeen xeerar cusub oo Mareykanka ka xadidaaya in Labada Dal laga caawiyo Difaaca Cirka, iyagoo ku eedeeyay labada dal iney la safteen Dalka Russia si sare loogu qaado wax kala iibsiga Saliida Aduunka lana gaarsiiyo 100-US$ Fuustadii.

“Waxaa la joogaa xiligii wakhtigii USA uu dib u bilaabi lahaa inuu u dhaqmo sidii Quwad sare oo aan xiriir la laheyn Dowladaha Macaamiisha la leh ee Khaliijka, waxeyna gaareen go’aan dhabar jebin nagu ah waana iney la noolaadaan cawaaqibka ka dhalan kara Ciidamadeena iyo agabkeena waxaa looga baahan yahay Dalal kale. Mr.Sean Casten.

218230cookie-checkSacuudiga UAE Oo Hanjabaado Adag Uga Timid Dalka Mareykanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com