Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wufuudii ugu badnayd ee ka socota Xafiisyada Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO, oo sanad iyo bar kahor xoog looga saaray Maleeshiyaadka Beesha dhexe ee Degaanada Somaliland…
Wafdiyadaan ka kala socota Laamaha Dowlada Federaalka ayaa siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC KHATUMO, iyadoo la dejiyay dhismayaal dhawaan xariga laga jaray, waxeyna sheegeen iney isbedel weyn laga dareemay Magaalada.
RW Somalia oo noqon doona Mas’uulkii ugu derejada sareeyey ee booqda Magaalada Laascaanood kadib Burburkii Nidaamkii Dowladeed ee Siyaad Barre, Mr.Xamse ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda maamulka SSC KHATUMO iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Goboladaasi, iyadoo lagu wado inuu booqdo Magaalada Buuhoedle ee Gobolka Togdheer.
Maamulka SSC KHATUMO ayaa Dowladda Federaalka uga fadhiya aqoonsi rasmi ah, helitaanka mashaariic la mid ah maamulada kale iyo ka qaybgelinta shirarka lagu jaangoynayo masiirka siyaasadeed ee Somalia.