Mas’uuliyiin Lagu Eeedeyay Xeerka Jinsiga

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan laga keenay Xeer ay soo wada diyaariyeen Madaxtooyada Villa Somalia iyo Wasiirada Haweenka, kaasoo la sheegay in laga soo minguuriyay xeerarka ay ku dhaqmaan dalalka reer galbeedka, kuwaasoo doonaya in dalka Somalia laga hirgeliyo Xeerar aan la saan qaadi karin Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka Suuban ee Soomaalida…

Xeerkaan oo ay soo gudbiyeen Golihii Wasiirada ee kalsoonida lagala d=noqday, ayaa la sheegay in Ku-simaha Wasiirka Haweenka Mrs. Deeqo Yaasin ayaa ku adkeystay in la horgeeyo Golaha Baarlamaanka si ansixiyo, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Xeerkaan ay gadaal ka riixaayaan Madaxtooyada Villa Somalia iyo dalal reer galbeedka ka tirsan.

Aqoonyahann Prof.Kabire ayaa sheegay “Waxaan fahmi waayay waxaa isku soo beegaya Kufsigaan xargaha goostay ee dad isugu jira caruur, waayeel iyo dhallinyaro weliba lab iyo dhedigba leh loo geesanayo iyo Xeerkaan Baarlamanka ka qeylinayo ee ka hadlaayo dambiyada la xiriira galmada”, wuxuuna ku baaqay in Xilka laga xayuubiyo Wasiiradaan oo baaris lagu sameeyo Dinta ay Aaminsan tahay, sidoo kale Gudoomiya Baarlamaanka ayaa aad uga qeyliyay Xeerkaan.

https://www.facebook.com/watch/?v=1632680780215847&extid=bcMztv8P7RnKXvqK

60710cookie-checkMas’uuliyiin Lagu Eeedeyay Xeerka Jinsiga