Dhul-gariir ka dhacay gobolka Sanaag  

Somalia news

Dhul-gariir hal-beegiisa lagu qiyaasay 4.6 oo ah cabirka dhul-gariirka, ayaa Isniintii ka dhacay deegaan 170 km waqooyi ka xiga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee Somaliland, sida Volcano Discovery qortay…

Volcano Discovery ayaa intaa ku dartay in dhulgariir ka qoto diisu gaadhay ilaa 10 km oo dhulka hoostiisa ah, lakiinse aanu ahayn dhul-gariir wayn oo dhibaato gaystay ama inta la ogyahay burbur soo gaarsiiyay dhismayaasha degaankan.

Dhul-gariirada ugu badan ee ka dhaca dhulka Somalida, ayaa ka dhici jiray magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaasi oo mid kamid ah buuraha magaalada ku wareegsani ay marka muddo la joogaba gariirto inkastoo dhul-garirkaasi aanu dhib badan gaysan.

Marka laga yimaado warbixinta Volcano Discovery ma jiraan warar faah faahin ah oo aanu ka helnay deegaanka dhul-gariirku ka dhacay, ama warbixino laga helay dadka degaanka.

200390cookie-checkDhul-gariir ka dhacay gobolka Sanaag  
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com