Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan oo xalay abaarihii 2,00 am laba nin oo rayid ah ku dilay bannaaanka hore ee Hotel Baashe oo ku dhegen Masjidka Saxaaba ee bartamaha Degmada Garoowe, xili ay ku sugnaayeen Hoteelka oo ku dhow xarumaha Maxkamada iyo tan Gobolka Nugaal..
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya, in Labada marxuum oo midkood waardiye ahaa ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen dabley hubaysan oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay dilka geysteen, islamarkaana baaritaan ayaa ku socda dhacdadaasi, siday sheegayaan saraakiisha Boliiska Degmada Garoowe.
Falalka noocan oo kale ah ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray Shacbiga ku dhaqan magaalada Garoowe, kuwaasoo marar badan soo wajahday dhacdooyin la xiriira amni-darro haba ugu badnaadeene Koox cabtooy ah oo xiliyada dambe dhibaato Amaan ku haya Degmada.