Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka Oo Shuruudo Ku Xiray Kheyre

Somalia news

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo Ayaa sheegay in kulankii galabta Hogaamiyayaasha Madasha Xisbiyada Qaran ay ku yeesheen Xaruntooda ay ku sheegaya ku diideen qaarkood inuu Musharax Hassan Ali Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho….

Xogtaan Ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxda madasha ay qaarkood ku adkeysteen in Mr.Kheyre uu marka hore uu cudur daar buuxa ka bixiyo khudbadihiisii deel-qaafka ahaa iyo meel ka dhacyadii uu geystay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, isla markaana marka mowqifkiisa caddeeyo.

Intaas kadib Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu ka war helay diidmada Madasha ayaa caawa degdeg ugu tagay hoyga Madaxweyne Shariif oo ah Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxaana dhex maray kulan saacad qaatay, inkastoo aanu kulankaas wax xog ah weli ka helin, sidoo kale waxaa uu haatan kulan uu la leeyahay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

73690cookie-checkHogaanka Xisbiyada Mucaaradka Oo Shuruudo Ku Xiray Kheyre