15-Sano Kadib Oo dib la isugu furay Wicitaanka Talefonada Gudaha ee Shirkadaha Isgaarsiinta

Somalia news

Waxaa markii ugu horeysay ay Shirkadaha Talefonada ee ka howl gala Dalka Somalia lahu cadaadiyay laguna oggoleysiiyay iney isku furaan qeybta Wada gadalka Telefonada gudaha Dalka, kadib markii ay Dowladda Federaalka ay cadaadis ku saartay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay fuliyaan heshiis macaamiishooda isku wici karaan qiimo jaban…

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Dalka ay ku guuleysteen in bishii December ee sanadkii dhamaaday shirkadaha isgaarsiinta ka saxiixdo heshiiska is-wicida gudaha, iyadoo heshiiskaas ay qalinka ku duufeen Shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo Telesom, go’aankaan ayaa Shalay si buuxda loo dhaqan-galiyay.

Waxaa sidoo kale Macaamiisha loo fududeeyay in Khidmada wicitaanka ee Shirkadaha ku heshiiyeen waa 0.05 halkii daqiiqo, sidoo kale Lacagaha hoose ee xirmooyinku kuma jiraan, kuwaasoo loogu tala-galay markii hore wicitaanka gudaha ee shirkada aad xirmada ka iibsatay.

242210cookie-check15-Sano Kadib Oo dib la isugu furay Wicitaanka Talefonada Gudaha ee Shirkadaha Isgaarsiinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com