Ma Dhabaa in Farmaajo uu ka Kireystay Tiro Hoteelo ah Magaalada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxda Ololaha Farmaajaha fashilmay ay ku kireysteen 3-5 Hoteel oo ku yaal magaalada Mogadishu, iyadoo loogu tala galay in la dejiyo Xidhibaanada taageersan iyo kuwo xodxodasho loogu jiro iney ka qeyb qaataan dib u doorashada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uu kireystay Hoteelada SYL, Doorbin, Xaawo Taako iyo 2-kale, juwaasoo uu u shubay muddo 4-Bilood ah oo hormaris ah, wuxuuna qolkiiba ku kireystay isku celcelis 20-US$ 24-saac, waxaana ku jira Qaboojiyaha & Quraac.

Wararka ayaa sheegay in Hoteelka SYL la dejiyay 17-Xildhibaan, waxaana u xil saaran Cabdinur (Madaxtooyada) halka Doorbin la sheegay in la dejiyay inta Badan Xildhibaanada ka soo jeeda Degaanada Konfur galbeed Dhaqdhaqaaqoodana la xakamayeeyay, waxaana u xil saaran Saraakiil ka tirsan NISA.

Dadka sida dhow ula socda Olalaha dib u doorashada Farmaaho, waxay ku faaneen iney maalgashteen Kutlad gaaraysay 160-Xildhibaan, balse xaqiiqdu waxey u muuqataa in 4-meelood oo meel la hayo, Saadaashu waxay xiligan tilmaamaysaa iney u badan tahay inuu tanaasulo Farmaajo, hadiise ay noqoto in uu soo galo Hoolka wuxuu heli doonaa, wax aan ka badnayn 40-Cod wareega 1-aad, sida qiyaastu tilmaameyso, isla markaana Wareega 2-aad waxba uguma siyaadayaan oo malaha fursad siyaasadeed oo nool.

183730cookie-checkMa Dhabaa in Farmaajo uu ka Kireystay Tiro Hoteelo ah Magaalada Mogadishu