Roobab Xoogag Oo Ka Da’ay Magaalada Mogadishu Khasaarana Geystay..

Domestic News Somalia news

Saacadiihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Mogadishu ka da’ay Roobab mahiigaan ah oo Saacado badan qaatay sababayna dhimashada Laba Ruux iyo burburka waddooyin waa weeyn oo kuyaala magaalada Muqdisho, iyadoo uu sidoo kale Biyo badan galeen Hoolka Garoonka Diyaaradaha..

Wararka ayaa sheegaya in Roobaabkaan uu in ka badan 8 saacadood uu ka da’ayay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana burbur xoogan ku yimid dhowr wado oo muhiim u ahaa isku socodka Dadweynaha iyo Gaadiidka, Labada Qof oo waxaa la tilmaamay inay ahaayeen Hooyo iyo Canugeedi oo Guri uu kula dumay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Wadooyinka sida aadka ay u sameeyeen waxaa ka mid ah kuwii ugu dambeeyay uu Maamulka Gobolka Banaadir dhisay gaar ahaan kuwa laga dhisay degmada Howlwadaag, meelaha qaar waxaa saakay laga soo sheegayaa in Wadooyinka ay biya fadhiyaan oo gaadiidka ay xaafadaha dhex marayaan.

371870cookie-checkRoobab Xoogag Oo Ka Da’ay Magaalada Mogadishu Khasaarana Geystay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *