Afhayeenka ONLF Oo Ka Hadlay Martiqaadka loo fidyay Ururkooda..

Somalia news

Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay martiqaadkii ONLF ay ka heshahay Dowladda Federaalka ee ay ku tageen Muqdisho si ay uga qayb galaan Caleema saarkii shalay ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud…

Wuxuu tilmaamay in Muqdisho oo hadda ka hor laga soo dhiibay qaar kamid ah xubnaha u sarreeya ONLF, marna looga aqoonsaday ONLF Argagaxiso, in maantana lagu martiqaado Caleema saarkii Madaxwaynaha Somalia ay tahay mid ay aad ugu faraxsan tahay ONLF, isla markaana ay muujinayso in Muqdisho Cimaamadii hadda ka hor ka dhacday ay soo ceshatay.

“Dowladdan cusub ee Somalia waxaan ka rajaynaynaa inay Shacabka Soomaaliyeed u adeegto, oo Jamhuuriyadii dib loosoo dhiso, dadka Soomaaliyeed dib loo mideeyo, Khilaafaadka siyaasiga laga dhex saaro oo Gobolladan iyo Xukuumadda iska lalmada meesha ka baxdo, ayaan rajaynaynaa” ayuu yiri Cadaani Hirmooge Afhayeenka ONLF.

Ugu dambayn, Afhayeenku waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, si nabadgalyadu ay u sal dhigtana dadlka iyo dadka laga qabto nimanka dagaalka ku wada dowladda, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenku.

193910cookie-checkAfhayeenka ONLF Oo Ka Hadlay Martiqaadka loo fidyay Ururkooda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com