Doorashada G/Shacabka Oo Laga Qaban qaabinaayo Magaalada Jowhar & Loolanka 3-Kursi

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Doorashada 3-kursi oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo magaalada Jowhar, Kuraastaan doorashadoodu dhacayso ayaa ah kuwa ugu adag, waxaana Xubnaha ku tartamaya ay kasoo jeedaan gobalka Sh/dhexe…

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay maanta ku dhawaaqaan jadwalka doorashada saddexdan kursi, waxaana magaalooyinka Jowhar ka socda Ololaha loogu jiro hanashada kuraastan, iyadoo lagu wado in dhaqaale badan lagu bixiyo hanashada Kuraastaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa lagu amaanay qabashada doorashadii daaha-furneyd ee Aqalka Sare, oo loolan adag uu ka dhacay, kadib markii Maamulka Madaxweyne Guudlaawe uu iska diiday inuu cid gaar ah u xiro kuraasta, uuna furay tartan, iyadoo Maamulada Galmudug iyo Konfur galbeed ay noqdeen kuwa ku kaca Musuqmaasuq iyo eex ayna u xireen Kuraasta Xubno ay wateen.

150070cookie-checkDoorashada G/Shacabka Oo Laga Qaban qaabinaayo Magaalada Jowhar & Loolanka 3-Kursi