Musuq & Maamul xumo Hareeyay Hogaanka Socdaalka Somalia..

Domestic News Somalia news

Xuuraano loo qaateen ayaa daaha ka rogaaya in Sanadihii ugu dambeeyay ay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ay hareeyeen Musuq baahsan iyo Hogaan xumo taasoo sababtay in adeegtadii Shacbiga loo qaban jiray ay shuruudo adag lagu xiro si looga helo baad Dadka Baasaborada weydiisanaaya…

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hey’adda ee xiligaan uusan aqoon ku imaanin balse la sheegay in Hogaanka fashilka ah ee Villa Somalia u xulatay si dhaqaale boob uga sameeyo Hey’adaan, iyadoo Todobaadkii tagay uu safaro qarsoodi ah u tagay Dalalka Norway iyo Finland kulana heshiiyay in Dadka Somalia ka soo jeeda la soo celiyo shuruud la’aan, isagoo Shaqsigii la soo celiyey Account gaar ah loogu shubo 400-Euro.

Baaritaano hordhac ah ayaa muujinaaya in Agaasimaha Hey’adda uu amray in Waaxyada Daabacaada Baasaboorada, Waxka bedelka Baasaboorada, Dal-ku-galka iyo Laanta Garoonka Diyaaradaha, dhaqaalaha ay qabtaan loo kala qeybo Account-yo Gaar ah iyo tan Wasaarada Maaliyada, iyadoo Adeegii Baasaboorka cusub Muwaadinkii laga qaado 108-US$ waxaa Wasaarada Maaliyada loo shubaa 70,0, US$ halka 30,0 US$ lagu shubo Accountiyo gaar ah.

373060cookie-checkMusuq & Maamul xumo Hareeyay Hogaanka Socdaalka Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *