Ma Dhabaa in Shirqool Xambaarsan Dil & Afduub ay ka Badbaadeen Shariif Xasan & Xubno kale

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe xambaarsan Dil iyo Afduub ay soo diyaariyeen Xoogag khaas ah oo ka amar qaata Madaxweynaha Konfur galbeed kuwaasoo doonaayay iney weeraraan Wafdi uu hogaaminaayay Madaxweynihii hore Shariif Xasan oo u qorsheyneyd inuu Gaaro magaalada Baydhabo..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Shariif Xasan iyo xubno badan oo Mucaarad ku ah Maamulka Lafta gareen ay qorsheysteen iney ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaasoo ay maamulaan Ciidamada Ethiopia ee Qeybta ATMIS, si ay uga qeyb galaan Shir dib u heshiineed oo magaalada laga abaabulaayay inkastoo uu diidan yahay Lafta gareen.

Hadaba Maxaa Dhacay

Sida xogta lagu helay, waxa jira shaqsi lagu magacaabo Xuseen Cabdi oo kasoo jeedo beesha Mareexaan xirirna dhow la leh kooxda Farmaajo, ayaa xiligaan ah turjubanka qaaska ee ciidamada AMISOM ee Ethiopia oo farsiinooodu yahay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, ayaa kula heshiiyay Taliyaha Ciidamada Ethiopia inuu sii daayo garoonkana galaan 7-gadiidka dagaalada ee maleeshiyaada Lafta gareen.

Ujeedada laga lahaa ayaa waxay ahayd in la weeraro Madaxweynaha hore ee Koonfur Galbeed, Sharif Sheekh Xasan oo saaka qorsheystay inuu garoonka kaso dego, Nasib wanaag, Sharif Sheekh Xasan iyo team-kiisa ayaa ka baqday diyaarada, balse hadii ay kasoo degi laheyn garoonka waxa hubaal in uu meesha dhig ku daadan lahaa, halka u magaalada Baydhabo ka qarxi lahaa kacdoon shacab la mid markii ay ciidamada arxan darrada ee gumeysiga Ethiopia ay afduubteen Sheekh Muqtar Robow.

231710cookie-checkMa Dhabaa in Shirqool Xambaarsan Dil & Afduub ay ka Badbaadeen Shariif Xasan & Xubno kale