Dadka Laga Tirada badan yahay Dhibaatooyin Faquuq kala Kulmaaya Degaanada Puntland..

Domestic News Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Dadka laga tirada badan yahay ee ku nool Degaanada Maamulka Puntland ay la kulmaayaan Faquuq & Takoor, talabaadaan oo sii kordhisay xaaladooda nolosha adag iyo shaqo la’aanta heysata, waxeyna awoodi waayeen nolosha magaalooyinka ee qaaliga ah iyo takoorka ka jira, taasoo horseeday in ay maciin bidaan xeryaha qaxootiga…

Warbixinta ayaa dul istaagtay in Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka la hayb sooco ee Degaannada Puntland ku nool ayaa xaalad nolol xumo ah ku wajahaya xeryo barakac oo ilaa billowgii sanadkan ay ku biireen, xog uruurin ay soo saartay Hey’adda SMWD oo arimaha dadkan ka shaqeeya ayaa muujisay in qoysaskaan dhaqaale xumadu u horseeday iney awoodi waayaan iney iska deberaan bixinta Raashinka, Biyaha, Kirada iyo Waxbarashada.

Iyadoo Gudaha Xeryaha barakacayaasha laga soo sheegayo Maamul xumo baahsan oo Dadka laga tirada badan yahay ku heysata, iyagoo gudaha xeryaha kala kulmaan faquuq ka sii daran kii magalada, taas oo xaaladood quus galisay, Hay’adaha iyo xilalka maamulka oo aysan wax matalaad ah ku lahayn ayaa ka mid ah caqabadaha keenay in arintooda la iloobay. Waxay xog aruurintu soo jeedisay in loo sameeyo qoondo gargaar oo iyaga u xiran shaqooyink iyo matalaadana qeyb loo gaar yeelo.

Hayb-soocu wuxuu keenaa kala qeybin, cadaalad darro, iyo nolol xumo ku dhacda dad aan waxba galabsan, Waa dhibaato dhaawacda midnimada bulshada, una baahan in si wadajir ah loola dagaallamo si loo helo bulsho sinnaan iyo isku duubni ku dhisan.

373710cookie-checkDadka Laga Tirada badan yahay Dhibaatooyin Faquuq kala Kulmaaya Degaanada Puntland..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *