Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ganafka ku Dhuftay Mooshin Mushaarkooda Looga Jari lahaa..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay si adag uga hor yimaadern mooshin sabtidii la hor keenay Golaha, kaasoo ku baaqayay in Xildhibaannada mushaarkooda laga jaro $500 oo bil kasta ah, Qorshahaan Hogaanka Villa Somalia gadaal ka riixeysay…

Wararka ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka oo Mooshinkaan Dhaqaalaha lagu jaraayo mushaaraadka xildhibaanada ayaa sheegay in loogu talagalay in lagu taageero Ciidamada Mucaawisleyda ee ku sugan gobolka Hiiraan, kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Shabaabka, waxey Xildhibaanada sheegeen iney ganafka ku dhufteen Mooshinkaan.

Xildhibaan Cabdirashiid Jiley  iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay “Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo dhameystiran, si caddaalad ahna loogu taageero dhammaan Ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka kula argagixisada”.

Xildhibaan Jiley ayaa xusay in dowladda aysan wax taageero ah ka siinin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ciidamada ku sugan Konfur Galbeed ay u baahan yihiin taageero dowladda ka timaada, Fadhigii sabtidii ayaa buuq ka dhashay mooshinkan, laguma guulaysan meel marintiisa si uu u noqdo qaraar rasmi ah oo dhaqan gala, kadib muran xooggan uu ka dhex bilowday Golaha dhexdiisa.

374130cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka Oo Ganafka ku Dhuftay Mooshin Mushaarkooda Looga Jari lahaa..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *