Golaha Wasiirada Oo Diiday Ansixinta Heshiis Heshiis ay Wada Galeen Somalia & UAE

Somalia news

Golaha Wasiirada XFS ayaa xalay waxey ansixiyeen Sharciga la dagaalanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsiga ee Somalia iyo Uganda waxeyn dib u soo celiyeen Heshiiska Iskaashi Amni oo u dhaxeeya Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo dhowaan usoo saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur…

Kadib markii ay Qaar ka mid ah Wasiirada ay dood ka keenee Heshiiskan, iyagoo soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay in lagu celiyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud, si ay uga soo tala bixiyaan.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa aad ugu ololeynayay in heshiiskan Goluhu ansixiyaan, balse si guud ayeey Golaha Wasiirada uga soo horjeesteen.

Waa markii u horreysay Golaha Wasiirada ay diidaan heshiis dal lala galay oo la horkeeno Golaha, tan iyo inta ay jirto Dowlada Ra’iisul Wasaare Xamse, iyadoo ay dhif iyo naadir aheyd in dowladdii hore ay Golaha ama Baarlamaanka horkeento heshiisyo ama iskaashi lala soo galay dowlad kale.

240180cookie-checkGolaha Wasiirada Oo Diiday Ansixinta Heshiis Heshiis ay Wada Galeen Somalia & UAE
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com