Guddiga Doorashada Puntland Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Puntland Cabdikariin Muuse Maxamed uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay saacadaha soo socda shaacinayaan jadwal doorasho…

“ Waxba kama jiraan cid aanan aqoon waxay meelahaas ku qorayaan. Jadwal aan shaacinayno ma jiro saacadaha soo socda iyo cid aan jadwal u sheegnay midna” ayuu Guddoomiye Cabdikariin si kooban u sheegay.

Guddigaan ayaa horay u shaaciyay 10 ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Puntland inkastoo aan weli la soo bandhigin Jadwalka Doorashada Kuraastaas.Wararka qaar ayaa sheegaya in Todobaadka soo socda la qaban doono Doorashada 10-ka kursi ee uu horay u shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Puntland.

161940cookie-checkGuddiga Doorashada Puntland Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay