Muxuu isu casilay Ergeygii Midowga Afrika Ee Somalia

Somalia news

Ergaygii ururka Midowga Afrika u magacaabay Somalia ee dhexdhexaadinta khilaafkaadka Siyaasadeed oo ah madaxweynihii hore ee Ghana, John Dramani Mahama, ayaa qoraal ay kaaliyihiisa soo saartay ku sheegtay inuu ka tanaasulay aqbalaadii xilka ergaynimo ee Somalia…

Warsaxaafadeedkaan ee Mr.John Dramani Mahama oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu ku leeyahay internet-ka iyo weliba Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in warqad uu u qoray gudoomiyaha Midowga Afrika uu madaxweynaha hore kaga noqday aqablaadiisii hore ee ahayd in loo magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Midowga Afrika

“Isaga oo uga mahad naqay Midowga Afrika kalsoonida uu ku qabo, ayaa Mahama waxa uu tilmaamay in muhiimadda weyn ee siyaasadeed ee ay u baahan tahay hawshaa loo xil saaray tahay in uu taageero iyo wadashaqayn aan tuhun lahayn ka helo dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee arintu khusayso”.

“Madaxweyne Mahama oo magacaabistiisa ergeyga Midowga Afrika ay si buuxda u soo dhaweeyeen Golaha Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Somalia iyo golaha madaxweyneyaashaa dawlad goboleedyadu, ayaa sidoo kale warqadda uu u diray gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kaga deyriyey in taageero la’aanta dhanka Dawladda Federaalku khatar gelin karto gebi ahaanba hanaanka oo ay wiiqi karto rajada dunida oo dhami ka qabto in nabad lagu soo dabbaalo dalka Somalia ee sharafta leh”.

119940cookie-checkMuxuu isu casilay Ergeygii Midowga Afrika Ee Somalia