Wararka naga soo gaaraya Degaanka Xawaadle oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya iney dagaal la’aan ku qabsadeen Koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka Degaanka Xawaadley kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Burundi ee halkaasi fariisinka ku lahaa..
Xiuraanada laga helay Degaanka ayaa sheegay in Sababta ay Ciidamada Burundi uga baxeen Degaanka ayaa lagu sheegay kadib markii 3-dii maalmood ee ugu dambeeyay ay Makeeshiyaadka Shababka si ula kac ah biyaha Wabiga ugu fatahiyeen Degaanka iyagoo isticmaalaya biyo-xireenka dabiiciga ah ee Degmada Balcad kaasoo ah Keydka Biyaha Beeraha ugu weyn Somalia.
Degaanka Xawaadley ayaa qiyaaatii u jirta Degmada Balcad 40-KM aadna ugu wanaagsan tacbashada Beeraha iyo Buundo Istraateji ah oo isku xirta Degmada Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe muhiimna u ah isu socodka Ganacsiga Beeraha, qabsashadooda ayaa laga Dadka Degaanka ka cabsi qabaan iney si xoojiyaan caburinta ay ku hayaan Dadka Shacabka, (fiiri Lifaaqa Qoraalka AUSSOM).

Kooxdaan Argagixisada ayaa mudooyinkii isku balaarinaayeen Degaanada Gobolka Shabeelada dhexe waxeyna haatan khatar gelin karaa isu socodka Dadka & Gaadiidka Ganacsiga ee Degmooyinka Jowhar iyo Balcad, mana jiraan ilaa hadda dhaqdhaqaaq ay Ciidamada Maamulka Hirshabelle, kuwa Dowlada iyo kuwa AUSSOM uga hortagayaan isbaraalinta Maleeshiyaadka kooxda Argsgixisada Shababka ee Gobolka Shabeeleda Dhexe.