Muddo Kororsiga Iyo Matalaada Oo Mugdi Geliyay Jiritaanka Dowlada

Somalia news

Maamulka Villa Somalia Oo ku fashilmay inuu ka dhaxeeyo balanqaadyadii iyo dhaartii uu u maray inuu Dalka iyo Dadka ku maamulaayo so Cadaalad ah ayaa Xiligaan kala guurka ah ku guuleysatay inuu abuuro xiisad siyaasadeed oo lagu kala qeybinaayo Beelaha Soomaaliyeed…

Mr.Farmaajo oo culeysyo badan ka Soo food saareen dhanka doorashada soo socota oo ay ku fashilantay in ay soo diyaariso, waxeyna hadal heyntii doorashadii ku bedashay iska horkeen Bulsho iyo abuurid xiisad Shacbiga lagu kala qeybiyo oo ay ugu horeyso kala qeybinta awoodaha Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta ay Villa Soomaliya ka baqeyso inay kula loolamaan doorashada Madaxweynaha ee soo socota.

Metalaada Banaadir iyo jahwareerinta shacabiga

Mr.Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo Metalaada Banaadir ee Aqalka Sare, arrintan oo qeyb ka ah qorshaha lagu doonaayo in lagu kala qeybiyo Shacbiga isla markaasna ay sabab ugu noqoto in muddo kororsi si fudud ku hesho. 

Villa Somaliya oo ogsoon kordhinta kuraasta Aqalka Sare inay u baahan tahay in Dastuurka loo furo oo la beddalo tirada kuraasta Aqalka Sare, waxaa taas kasii horeysa in meel la saaro Maqaamka Banaadir (Benadir Stat) iyo shuruucdii lagu dhaqai lahaa, Maadaama Aqalka Sare uu yahay midka metala Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Maadaama aysan Villa Somaliya xiligan diyaar u ahayn inay Maqaamka Banaadir ka hadasho, isla markaasna ay ku tagri fasho Dhaqaalaha Shacbiga, ayuu Mr.Farmaajo go’aansaday inuu xoogga saaro [metalaad] kuraas Villa Somaliya soo magacowdo.

Ahmiyada Mr.Farmaajo uu ka leeyahay arrinta metalaada ayaa ku koobneyd sadex:

-In beelaha Muqdisho looga helo taageero

-In la mariyo isla maalintaas Golaha Shacabka dib u dhigista Doorashada iyo Guddigii fashilay ee Xaliimo Yarey.

-In xiisad laga dhex abuuro Aqalka Sare ee metala Dowlad gobaleedyada si awooda ulla wareego Golaha Shacabka oo uu hogaaminayo Maxamed Mursal oo si toos ah u jabiyey Dastuurka Federaalka kadib markii uu sheegay in Aqalka Sare uusan wax go’aan ah ka gaari karin arrinta Doorashada!

Xeeladdan (Khamaarkaan) ayaa xiisad iyo Cadaalad badan abuurtay oo fal celinta ka imaan karta ay tahay mid bohol dheer ku rida mustaqbalka Midnimadii Dalka iyo waliba dib u heshiisiinta aan cagaha badan ku taagneyn ee wakhtiga dheer qaadatay ee lagu soo dhisay Dastuurka (Qabyo-qoraal) uu hada laalay Farmaajo.

Kooxaha la magac baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa muddo 3-sano ku fiirsanaayay khaladaadka Mr.Farmaajo, iyadoo Danjiraha USA uu Mas’uul ka yahay Dhibaatada ka dhalata buruburka Nidaamka Dowladeed ee curdanka ah dhibkana lagu soo dhisay, Maxaa yeelay waxey ku fiirsadeen in Mr.Farmaajo ku dhiirdo ku tumashada Shuruucda Dalka.

45010cookie-checkMuddo Kororsiga Iyo Matalaada Oo Mugdi Geliyay Jiritaanka Dowlada