Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay baxsashada Wafdiyada ay Dowlada Federaalka u dirti iney ka qeyb galaan Shirar Caalami ah, iyadoo Xubnohii ugu qeyb gali lahaa Shirka 113-aad ee Ururka Shaqaalaha Aduunka oo ka dhacaayay magaalada Geneva Switzerland intoodii badneyd baxsadeen…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wafdigaan oo ka kala kooban 3-Qeybood oo kala matalaya Dowladda Federaalka, Ururda Shaqaalaha iyo Loo shaqeeyaha, waxeyna ka koobnaayeen guud ahaan 23-Xubnood, waxayna ka qeyb galeen dhamaan kulankii furitaanka iyo dhamaan doodaha iyo khudbadaha laga soo jeedinayo shirka.

Ayaan darro 13-Xubnood oo qaab tahriib ah loo waday dhaqaalana laga qaatay ayaa la xaqiijiyay iney ka baxsadeen halkaasi, waxeyna iska dhiibeen Dalal ka tirsan Midowga Europe, iyadoo looga iibsaday Dal ku galka Dhaqaale kor u dhaafaya 15-Kun US$ Qofkiiba, waxaana kala qeybsaday Mas’uuliyiinta wafdiga hogaaminaya oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan & Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed.