Ciidamo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Muqdisho

Somalia news

Ciidamo hubaysan kana tirsan kuwa Dowlada Federaalka oo ka cabanaya gunno la’aan raagtay, ayaa maanta xirtay wadooyin ku dhow Xarunta Madaxtooyadda, gaar ahaan nawaaxiga daljirka Daahsoon.

Ciidankaan ayaa celinaayay xitaa gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada Amisom, waxaana ay sheegeen muddo sanad ka badan inaysan qaadan xuquuqdii Mushaar ee dowladda Federalka Somaliya ka sugaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ay u sheegeen Warbaahinta inay mushaar la’aan yihiin muddo sanad iyo 9 Bilood ah.

Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in aysan siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka.

Hadalkan kasoo saaray Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay ee hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo .

43070cookie-checkCiidamo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Muqdisho