Nootaayooyinka Oo Laga Mamnuucay Furashada Xafiisyo

Somalia news

Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Federaalka ayaa ka mamnuucday Nootaayooyinka kula howlgala Gobolka Banaadir iney furtaan wax ka badan hal xafiis sida ku cad bayaan uu soo saaray Agaasimaha waaxda arrimaha Garsoorka Khaliif Cusmaan Maxamed..

Sida cad Qoraalka digniinta ah, ayaa Xafiisyada Nootaayooyinka Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya degmooyinka kala duwan, waxaa lagu wargaliyay iney ilaaliyaan Nidaamka iyo Sharciga xafiiska Nootaayada ee xeerinaya in la joojiyo faraca nootaayooyinka xeerka L.1,2 ee soo baxay 1962.

139160cookie-checkNootaayooyinka Oo Laga Mamnuucay Furashada Xafiisyo