Share the post "Maxaw Xiligaan Keenay Isbedelka Cusub oo Siyaasada Arrimaha Dibeda USA ee Qaarada Africa.."
Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Howlwadeenka ugu sareeya Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Danjire Troy Fitrell, ayaa shaqada ka fariisan doona bartamaha Julay, kadib markii lagu eedeeyay inuu hormuud u yahay u doodista kooxda Gooni goosadka Maamulka Somaliland..
Xogo loo qaateen ayaa sidoo kale xaqiijinaaya in talaabadani ayaa ku soo beegantay wax yar uun kadib markii xilka laga xayuubiyay Madaxii AFRICOM General Jami Shawley oo caan ku aheyd u doodista aqoonsiga Maamulka Gooni goosadka Somaliland fadhigeeda shaqo aheyd dalka Djibouti.
Xuuraanada ayaa tilmaamaya in isku shaandheyn aan caadi aheyn ay ka socdaan Xafiisyada qeybta Siyaasadda Afrika ee Washington, Hadal-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibeda USA ayaa sheegay Mr.Fitrell waxaa xilka kala wareegi doona Jonathan Pratt, oo hadda ah Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Sare ee Xafiiska Arrimaha Afrika.
Shaqo ka joojinta labada Sarkaal Mr.Fitrell & Grn Shawley ayaa sababeeyau Furfurnaantooda ku aadan aqoonsi u raadinta Maamulka Somaliland, Nidaam loo arkay mid wiiqaya midnimada Somalia ayaa dareen gaar ah soo jeediyay, Jonathan Pratt, oo ah sarkaalka la magacaabay ayaa wuxuu soo qabtay Safiirka Maraykanka ee Djibouti 2021 ilaa 2023 waxana uu hore xilal uga soo qabtay Jamhuuriyadda Kongo, Sudan, iyo Angola—isaga oo keenaya khibrad heer gobol ah oo la taaban karo.