Wasaarada Caafimaadka Oo Dhaqaale Laga Lunsaday

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dhaqaale loogu tala galay horumarinta Caafimaadka Dalka, waxaana la sheegay in Dhaqaalahaan la soo marsiiyay Account ay furteen Saraakil ka tirsan Wasiirka Caafimaadka Ee Dowladda Federaalka….

Deeqdaan dhaqaale ayaa ka timid Hey’adda Caalami ah, waxeyna dhan tahay qiyaastii 6.1-millions US$, iyadoo ay ku deeqeen Hey’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan (UNPF, UNICEF iyo World Vision, waxaana laga hagaayay dhacaan Xafiisyada Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Dhaqaalahaan ayaa Hey’adaha UN-ka u kala bixiyeen sida hoos ku xusan:-

-United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000

-Hey’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000

-Hey’adda World Vision oo bixisay $575,000

Mashaariicda lacagahan la lunsaday loogu talogalay waxaa ka mida: Mashruuca Caafimaadka haweeenka iyo dhallaanka, Malaariyada, HIV iyo wacyigelinta caafimaadka, waxaana kiiskan furihiisa laga helay Guri qarsoodi ah oo madaxda Wasaaradda Caafimaadka ku shaqeeyaan oo ku yaalla degmada Waaberi, iyadoo halkaasi ay yaalleen dokumentiyo been abuur, Rasiidyo iyo shaabado lacago badan lagu lunsaday.

67620cookie-checkWasaarada Caafimaadka Oo Dhaqaale Laga Lunsaday