Somalia Oo Ruqsad Siin doonta Bangi laga leeyahay Dalka Egypt

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka uu sheegay in dowladiisa ay wado qorshe ay ruqsad ku siineyso bankiga dalka Masar ee (The Bank of Egypt), kaasoo muddo dheer soo jiitameysa…

Mas’uulkaan oo wareysi siinayay wargeyska Sharook News ee kasoo baxa dalka Masar, ayaa sheegay in Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Somalia ay bishan soo saari doonaan ruqsada Bankiga Banque Misr (Bank of Egypt), si uu uga hawl-geli karo dalka Somalia, wuxuuna sheegay in la soo dhammeystiray hannaankii Bangi lagu siin lahaa ruqsada, waxaana uu noqon doonaa Banggigii ugu horreeyay oo ajnabi ah oo ka howlgalla Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ayaa ku booriyay dadka Masaarida inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameynayaan Somalia, isagoo xusay in dalka uu baahi weyn u qabo xirfadlayaal ku xeel dheer dib-u-dhiska Dhaqaalaha dalka, Bangigaan dhidibada loo taagay Sanadkii 1920-kii ayaa la aas-aasay Bangiga Masar, waxaana aasaasay maalgashadayaal gaar ah balse markii dambe waxaa qarameeyay dowladda Masar sannadkii 1960-kii.

174810cookie-checkSomalia Oo Ruqsad Siin doonta Bangi laga leeyahay Dalka Egypt
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com