Muxuu yahay Buugga Khalkhalka Geliyay Waxbarashada Caruurta Muslimiinta Kenya..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Madbacad Kenyan ah ayaa la-laabatay Buug Dugsiyeed ay dooneysay iney daabacado oo uu ku jiray sawir lagu tilmaamay Nebi Muxamed (NNKH) kadib markii ay qeylo dhaan iyo cabasho ka soo yeertay Hogaamiyayaasha Muslimiinta iyo Waalidiinta Dalkaasi…

Hogaamiyayaasha Muslimiinta ayaa cabasho adag ka keenay inay gef diimeed tahay in la sawiro Nebiga (NNK)iyo in la waydiiyo Ardayda inay midabeeyaan sawirka, Shirkadda Daabacaada ee Mentor ayaa sheegtay iney ka xun tahay khaladka weyn ee ku jira buugga daraasaadka Islaamka ee ardayda fasalka labaad ee dugsiga hoose.

Sawirada Nebi Muxamed (NNKH) ayaa gef weyn ku ah Muslimiinta, iyadoo inta badan Hogaamiyaasha Diinta Islaamku ay sheegeen in shareecadu ay si cad u mamnuucayso sawirada Nebi Muxamed iyo Allaah, Caalim Muslim ah oo ka soo jeeda magaalo xeebeedka Mombasa, Sheekh Rishard Rajab Ramadhan, ayaa BBC u sheegay in buugu “si khatar ah” u marin habaabiyay carruurta yaryar.

Qiyaaso la mala awaalay ayaa Dadka Muslimiinta Kenya ku sheegay iney yihiin 11%, waana kooxda labaad ee ugu weyn dhanka diinta, Dhammaan macallimiinta, ardayda iyo maamulka dugsiga ee haysta nuqullada buugga waxa lagula taliyey inay u soo celiyaan madbacadda.

281420cookie-checkMuxuu yahay Buugga Khalkhalka Geliyay Waxbarashada Caruurta Muslimiinta Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com