Share the post "Dowladaha Pakistan iyo Somalia oo lagu Wado inay Gaaraan Heshiis Iskaashi Difaac.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaqyo Diblomaasiyayeed oo bilihii u dambeeyay ay wada wadeen Dowladaha Pakistan iyo Somalia wada hadalo ku aadan sidii ay u gaari lahaayeen Heshiis Iskaashi oo ku dhisan dhinac Difaaca iyo horumarinta arrimaha Ciidamada..
Wararka ayaa sheegaya in Iskaashigaan dib loo cusboonaysiiyay wuxuu astaan u yahay isbedel weyn oo ku aadan iskaashiga la xoojiyay ee difaaca iyo arrimaha istaraatiijiyadeed, Horaantii bishaan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Pakistan, Isxaaq Daar, ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, C/salaan Cabdi Cali oo xilligaas ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Dooddu waxay ku qotontaa xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh, gaar ahaan marka la eego doorka Somalia ee xiligaan xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Dowlada Pakistan ayaa horey taageero farsamo u fidisay kaabayaasha dhijitaalka ah ee Somalia, gaar ahaan hirgelinta nidaamka diiwaangelinta aqoonsiga Qaran, ku darsoo Pakistan ayaa waxa ay caan ku tahay tignoolajiyada casriga ah ee hubka iyo saamaynta sii kordheysa ee iskaashiga amniga Gobolka.