Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibeda Somalia Oo Lagu Eedeeyay Kala Qeybin, Afduub & Eex ee Howlaha Wasaarada..

Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ja rogeysa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ay la soo deristay qalalaase xoogan, iyadoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cali Cumar ayaa sheegay iney Dowladiisu diyaar u tahay iney wada hadlaan Maamulka Abiy ee Addis abeba, talaabadaan oo ka hor imaaneysa Shuruudihii Madaxweynaha ku xiray in marka hore Ethiopia ka laabtaan Heshiiska kadibna raali gelin bixiyaa, markii uu wareysi siiyay Wakaalada Wararka ee Anadolu…

Mr. Cali Cumar, isaga oo marin habaabinaya in uu yahay af-hayeenka Somalia, wuxuuna isku dayay inuu hoos u dhigo xurgufta diblamaasiyadeed ee u dhaxaysa Somalia iyo Ethiopia, talabadaan ku dhiiri gelisay Mr.Abiy Axmed inuu ku dhegenaado heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Addis Ababa iyo is-maamulka Somaliland ee Waqooyiga Somalia, isagoo soo jeediyay in la isku maro hab-raacyo siyaasadeed, maadaama Mowqifkiisa uu ka hor imanayo kan Madaxweynaha.

Ku darsoo Mr.Cali Cumar ayaa la sheegay in Howlgab ka dhigay Wasiir Kuxigeenja Arrimaha Dibeda Mr.Isaaq Mursal oo ay aheyn inuu Xilka si KMG ah u sii hayo Bacdamaa Wasiiru Dowlo Nidaam ahaan uu ka hooseeyo Wasiir Kuxigeenka, Talabadaan ayaa la sheegay in Madaxweynaha wax ka og yahay, iyadoo cawaaqibka ka dhalan kara ficilka guracan ee Mr.Cali Cumar laga yaabo in cawaaqib xumo ku yeelan karto xiriirka caalamiga ah ee Somalia

Wasiiru Dowlaha ayaa lagu eedeeyay inuu shaqaali qarabaadiisa ah u qoray Wasaarada Arrimaha Dibeda kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 20-Xubnood halkii mudnaanta iyo waayo aragnimada lagu saleyn lahaa xulashada Shaqada Diblomaadiyada, Xaaladda xiligaan ka taagan Wasaaradda ayaa lagu fasiray mid jahawareer ah, iyadoo khilaaf gudaha ah uu halis gelinayo waxtarka dadaallada diblumaasiyadeed ee Somalia.

Xuuraan laga helay Howlwadeenada Wasaarada ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweynaha Dalka uu si maldahan u ansixiyo ficillada qaska ah ee Cali Cumar, taasoo sii xumaynaysa xiisadda ka dhex taagan wasaaradda, Iyadoo Somalia xiligaan ay la daalaa dhacayso khilaaf gudaha ah iyo caqabado diblumaasiyadeed oo dibadda ah, ayaa waxaa isa soo taraya baahida loo qabo hoggaan xasiloon oo tayo leh loo magacaabo Wasaaradda Arrimaha Dibada.

312320cookie-checkWasiiru dowlaha Arrimaha Dibeda Somalia Oo Lagu Eedeeyay Kala Qeybin, Afduub & Eex ee Howlaha Wasaarada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com