Ma Dhabaa in Horjoogaha Shababka uu Xilkii ka Xayuubiyay Horjooge Muhaajir ah..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo sababay gacan hadal dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, muddana soo jiitamaayay una dhaxeeyay Horjoogayaasha Shababka iyo kuwa Ajaaniibta kaasoo salka ku haya Hogaanka Kooxda Ajaaniibta ayaa ku afjarmay xil ka qaadis…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjoogaha Kooxda Shababka uu meesha ka saartay Horjoogihii sare ee dhanka Maleeshiyaadka Ajaaniibta ah madaxna u ahaa Dagalamayaal ka howlgala xuduudaha Kenya iyo Somalia, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka iyo sifeynta ka dhex jirta hoggaanka kooxda.

Wararka ayaa sheegay in Horjooge Ayman oo ah Madaxa Maleeshiyaadka ee loo yaqaano “Jeyshu Eyman” oo ah Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka oo ka howlgala degaanada xuduuda, isla markaana u qaabilsanaa abaabulka weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay gudaha Dalka Kenya, uu ka mid yahay dhowr hoggaamiye oo magac sare leh oo xilka laga tuuray.

Wararka ayaa sheegaya in Horjoogahaan looga shakiyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro Maleeshiyaadka kooxda Daacish, Ayman ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu saaxiib dhow la yahay Salmaan Muhaajir oo ahaa Horjooge ajaaniib ah oo isna ka baxay kooxda Shabaabka.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo dhawaanahan uu khilaaf gudaha ah ka dhex jiray Horjoogayaasha sare ee kooxda oo ay ku jiraan kuwa kale oo uu ku jiro Jacfar Suudaani ayaa xilalkii laga qaaday, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, Go’aanka ay Al-Shabaab uga saartay Eyman ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah howlgallada iyo saameynta ay kooxda ku leedahay Kenya, maadaama uu aqoon dheer u lahaa degaannada ay ka howlgalaan ee xuduudka.

255250cookie-checkMa Dhabaa in Horjoogaha Shababka uu Xilkii ka Xayuubiyay Horjooge Muhaajir ah..