“Muqdisho Qabiil gaar malahan ee Shacabka Oo Dhan ayaa Wada Dagan”

Somalia news

Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee loo xil saaray dhammeystirka xeerarka doorashooyinka qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa wareysi uu siiyey BBC-da farriin ugu diray beelaha Muqdisho ee u doodaya in magaalada ay hesho xuquuqda ka maqan….

Ibraahim Isaaq Yarow, oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla Barlamaanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin.

“Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah.

“Dadka kasoo jeeda deegaankaas – oo umadda Soomaaliyeed oo dhan ka koobanna – dadaal badan bay wadeen, baaqyo badan bay soo jeediyeen, oo ay leeyihiin xuquuq baan leenahay, waana in goleyaashii nalagu matalo, waxaana u baahan nahay in baaqeenna laga jawaabo,” ayuu yiri.

39360cookie-check“Muqdisho Qabiil gaar malahan ee Shacabka Oo Dhan ayaa Wada Dagan”