UNSOM: Guulihii Siyaasadeed Iyo Amni ee gaartay Somalia halis ayay ugu jirtaa dib u dhac

Somalia news


Qoraal xalay ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM), uuna ku saxiixnaa Justin Brady, Iskuduwaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada ee Somaliya ahna Madaxa Hay’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Somaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii tagay…,

“Guulihii Siyaasadeed iyo Amni ee ay Somalia gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri kartaa dib noqosho, haddii aysan bulshada caalamka la imaan ficil deg deg ahi, oo Somalia looga caawinayo ka hortagga dhibaatooyinka bani’aadanimo, ee ka dhashay fatahaadaha, ayaxa iyo COVID-19.

“Hannaanka wax qabsashada Somalia aad ayay uga yar tahay dalalka deriska. Sidaasi awgeed saameynta daadka, ayaxa iyo COVID-19 maahan mid bani’aadanimo, waxayse awood u leedahay inay bedesho guulihii siyaasadeed iyo amni, ee ay beesha caalamka ka taageereysay tobankii sano ee ugu dambeeyay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka UNSOM ayaa lagu muujiyay in shan boqol oo kun oo qof ay ku barakaceen fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada Dhexe, oo dabcan ay ugala jeedaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli dalka uu la tacaalayo ayax daran oo halis ku ah baa warka lagu yiri cuntada iyo nafaqada dad badan, waxayna tani ku soo aadaysaa, iyadoo Somaliya ay ku hawlan tahay wax ka qabashada faafitaanka xanuunsidaha COVID-19.

39330cookie-checkUNSOM: Guulihii Siyaasadeed Iyo Amni ee gaartay Somalia halis ayay ugu jirtaa dib u dhac