Doorsho Dalkaan Ka Dhacday Xiligaan Wakhtiga Iyo Maanka Ayaa Diiday

Somalia news

In doorsho 2020/21 Qof iyo Cod ay Xiligaan ka dhacdo Maanka iyo Wakhtiga ayaa diidaaya, maxaa yeelay lama sii diyaarin shaqadii la rabay in la qabto 3-sano ka hor, taasina Waa xaqiiq jirta ma haboona In Shacbiga lagu maaweeliyo Wax aan suurto gal aheyn….

Muwaadinow, Waa wax wanaagsan in talada dalka Shacbiga Dib loogu celiyo, si ay u xushaan Dadka Siyaasada ku metelaaya, laakin Maamulka Xiligaan talada haya waxey ka gaabiyeen Balanqaadyadii iyo Dhaartii uu maray, isagoo ka gaabiyay ka shaqeynta dhamaan howlihii muhiimka u ahaa arrinta bilowga xil-heyntiisa.

Iyadoo Maalmahaan Dadka lagu maaweelinaayo in wada hadal la la yeelaanyo Maamulada Gobolada iyo Saamileyda Siyaasada, Talaabadaan ayaa u muuqata mid god dheer ku riday Rajadii Soo laabashada ee Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Maamuul kastaa la dhisa kama Fikiro inuu Dalka wax wanaagsan u qabto si beri loogu Amaano, iyadoona taa Badalkeeda uu sameeyo sidoow 4 Sane ee soo socota sidoow uga soo noqon lahaa isagoona sida muuqata Afrta sano uu joogo wax muuqda qaban.

Hadaba Maxaa Fashilka u horseeday Maamulka Farmaajo:-

-Adeega Garsoorka (Maxkamadda Dastuuriga) oo udub Dhaxaad u ah Hanaanka Dowladnimo lama dhisan.

– Dalka uma Diyaarin Doorashada ka dhaceysa sida ay Noqoneysa mana diyaarsana tirakoobka Shacabka.

-Ma jirto Xiriir wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleyada

-Degmooyin iyo degaano badan oo aan weli laga xoreynin Kooxaha argagixisada.

-Amaanka Caasimada oo Si sharci darro ah Isbaarooyin loo dhigay Baadna looga qaado Shacbiga lagu dhibo.

-Ma jiro xiriir u dhaxeeya Maamulka iyo Xisbiyada Mucaaradka marka laga reebo kuwo Gacan-ku-Rimis ah.

-Qaab dhismeedka Ciidamada Dowlada oo la burburiyay, iyadoo Kooxaha argagixisada ay ku dhex milmeen Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Xafiisyadooda.

-Dacwada Badda Somalia iyo Kenya Oo weli taagan 2015-kii, Qareenadii shaqada ka joojiyay.

– Xiriirka Madaxweynaha iyo Labada Aqal maaha mid Wanaagsan mana jirta wada shaqeyn toos ah oo ka dhaxeysa.

-Dhaqaalaha Dalka oo boob lagu hayo.

40640cookie-checkDoorsho Dalkaan Ka Dhacday Xiligaan Wakhtiga Iyo Maanka Ayaa Diiday