Maxaa Xiligaan Keenay Iney Mas’uuliyiinta Galmudug u soo guuraan Mogadishu

Somalia news

Qeylo dhaan xagga Amaanka ah ayaa ka soo yeereysa degaanada Galmudug, kadib markii Mas’uuluyiinta Maamulkaasi u soo wada guureen Magaalada Mogadishu, isla markaasna ka mid noqdeen kooxaha Ololaha Doorashada Maamulka Fashilmay…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug, (Qoorqoor), Madaxweyne ku xigeynkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, inta badan Wasiirrada iyo Xildhibaannada GM, ayaa magaalada Muqdisho ugu sugan danahooda gaarka ah, xilli xaalado Amaan darro laga soo tabinaayo Gobolada Konfurta Mudug & Galgaduud.

Ujeedka ay shaqsiyaadka hoggaanka u ah Galmudug u joogaan Caasimadda ayaa ah sababo la xariira howlaha ololaha doorashooyinka Madaxweynaha dalka oo Axadda soo socota la qorsheeyay in la qabto, hayeeshee, ma jiraan wax shaqooyin ah oo ay ku qoran yihiin, waxayna canshuurtii laga aruuriyay shacabka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb iyo Guriceel, ku jiifaan huteellada Muqdisho.

Sida ay u sheegeen Warsidaha Diinah.com news Daraakiil ka tirsan Qeybta 21-aad, Kooxda Shabaabka ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay culeyska ay saarayaan degaannada konfureed ee Gobolka Galgaduud, gaar ahaan degaanno koofur-qorraxsimaad uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halka Magaalada Hobyo laga cabsi qabo iney go’doomiyeen.

187710cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Iney Mas’uuliyiinta Galmudug u soo guuraan Mogadishu